Mareykanka oo Puntland ku dilay Ninkii Daacish u qaabilsanaa xiriirka dibadda, dhaqalaaha iyo howlgalada

Feb 12(Jowhar)Dawladda Mareykanka ayaa war cusub kasoo saartay duqeun bulowgii bisha  ay diyaaradaheeda ja geysteen qeybo kamid ah gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Mareykanku wuxuu shaaca ka qaaday in ay duqeyntii ka dhacday Buuraha Calmiskaat ee gobalka Barri Puntland, 1-dii bishan ku dishay 14 xubnood oo katirsanaa kooxda Argagixisada.

Sida lagu yiri qoraalka, dadka la dilay waxaa hormuud u ahaa Ahmed Maeleninine, oo Argagixisada u qaabilsanaa xariirka dibada, Dhaqaalaha iyo Howlgalada dibada oo ay kujiraan in Argagixiso laga soo qoro dalalka Mareykanka iyo Yurub, howlgalana laga fuliyo.

Sidaas waxaa lagu shaaciyey war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciidanka Mareykanka ee Africom.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More