Mareykanka oo sheegay in la gaaray xiligii heshiis xabad joojin ah ka dhici leheyd Qaza

Aug 17(Jowhar)-Joe Biden ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in heshiis xabad joojin ah Gaza laga gaaro.

“Waan ka dhownahay sidii hore,” madaxweynaha Mareykanka ayaa yiri ka dib wareegii ugu dambeeyay ee wadahadallada, isagoo intaa ku daray inuu u dirayo xoghayihiisa arrimaha dibadda Israel si uu u sii wado “dadaalka degdega ah ee lagu soo afjarayo heshiiskan”.

Iyadoo ay jirto walaac laga qabo in Iran ay weerar ku qaado Israa’iil ka dib dilkii hoggaamiyihii Xamaas Ismail Haniyeh ee Tehraan, ayuu Mr Biden yiri “qofna gobolka ma aha inuu qaado tillaabo uu ku wiiqayo hannaankan”.

Xamaas ayaa shaki ka muujisay fursadaha heshiis. Iyadoo aan la sheegin suurtagalnimada xabbad-joojineed, Israa’iil waxay sheegtay “inay qadarinayso dadaalka Maraykanka iyo dhexdhexaadiyeyaasha si ay Xamaas uga dhaadhiciyaan heshiis lagu sii daayo la haystayaasha”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More