Mareykanka oo si cad u diiday dhowr codsi oo uga yimid dowladda si Shabaab loo wiiqo
Mar. 12 (Jowhar.com)-Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa shaaciyay in dhowr jeer uu dowladda Federaalka ah Ciidamadeeda ka diiday fulinta weerarro ay fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn sabab la xiriirta dhimashada dadka rayidka ah darted.
Sarkaal ka tirsan Africom kuna sugan Balli-doogle ayaa u sheegay NBC, in codsiyo badan ku diideen hubanti la’aanta goobta la beegsanayo.
“Hal weerar oo si qaldan u dhaca ayaa guul darro noogu filan annaga iyo bah wadaagteenna,hal weerar oo si sax ah u dhaca ayaana guul noogu filan” ayu yiri sarkaalka wareysiga gaarka ah bixiyay.
Waxaa uu sheegay in Saraakiisha Dowladda ee hoggaaminaya gulufka ka dhanka ah shabaab, ay dhowr jeer dalbadeen weerarrada Diyaaradaha Drones-ka laakiin ay ka gaabsadeen sababo la xiriira khasaaraha dadka rayidka ah soo gaaraya.
Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya oo wareysi siiyay TV-ga Al Jazeera waxaa uu sheegay in 8 bilood ee ay socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab gaar ahaana duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn aysan ka dhalan wax khasaare dadweyne ah taasna ay qeyb ka tahay guulaha laga gaaray dagaalka.