Mareykanka oo soo dhaweeyay heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya ee muranka Badda

Dec 15  ( Jowhar)Mareykanka ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo heshiiska ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku gaareen in lagu soo afjaro xiisadda gobolka ee ka dhalatay isku dayga ay Addis Ababa ku dooneyso inay marin u hesho badda.

Labada dal ayaa khilaaf uu ka dhaxeeyey tan iyo markii dalka Itoobiya ee aan badda lahayn uu bishii Janaayo heshiis la galay maamulka Somaliland ee sheega in uu ka go’ay Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa in dhul xeebeed laga kireeyo Addis-Ababa oo ay ka sameysato deked iyo saldhig ciidan.

Hase yeeshee Arbacadii, Turkiga, oo dhexdhexaadiye ka ahaa wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa ku dhawaaqay in labada dhinac ay gaareen heshiis xaqiijinaya “marin la isku halleyn karo, ammaan ah oo waara oo ay Itoobiya u hesho badda,” kaasi oo “hoos imanaya maamulka madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

“Maraykanku waxa uu soo dhawaynayaa Baaqii 11-kii December ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka ee Itoobiya ee lagu xaqiijinayo qarannimada, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dal kasta,” ayuu yiri diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanka Antony Blinken.

Blinken waxa uu intaas ku daray in Washington ay sugeyso “wada xaajoodka farsamada” ee qeexaya marinka badda ee Itoobiya “iyada oo la ixtiraamayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.”

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale soo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo uga mahadceliyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan doorkiisa.

Guterres “waxa uu rajeynayaa in si degdeg ah loo billaabo wada xaajoodyada farsamada iyo natiijo wanaagsan oo laga gaaro geeddi-socodka” ayuu afhayeenkiisa Stephane Dujarric ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Ka dib markii Itoobiya ay ku dhawaaqday heshiiskii ay la gashay Somaliland — oo si iskeed ah ugu dhawaaqay inay ka go’day Soomaaliya 1991-kii – mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in Itoobiya ay dawladdooda siinayso aqoonsi rasmi ah.

Balanqaadkaas marna ma aysan xaqiijin Addis Ababa.

Soomaaliya ayaa heshiiska ku tilmaamtay mid xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda, wuxuuuna horseeday qeylo dhaan caalami ah oo ku saabsan halista colaad dib uga soo cusboonaata gobolka aan xasilooneyn.

Blinken ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Turkiga “fududeynta” heshiiska cusub.

Bayaanka uu soo saaray ayaa yimid xili uu magaalada Ankara ee dalka Turkiga uu wadahadallo ku saabsan xaaladda dalka Siiriya kula yeeshay Erdogan.

“Waxaan ku dhiirigelinaynaa Itoobiya iyo Soomaaliya inay xoojiyaan iskaashiga ka dhexeeya ee danaha ay wadaagaan ee amniga, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab,” ayuu yiri Blinken.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More