Mareykanka oo war kasoo saaray duqeyn ay ka fuliyeen deegaanada Puntland
Feb 01 (Jowhar)-Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa war saxaafadeed ka soo saaray duqeyn ay ka geysteen Soomaaliya, gaar ahaan xubno ka tirsan Argagixisada Daacish oo ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Gobolka Bari.
War saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegaya in iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ay duqeyntan la beegsadeen xubno badan oo ka tirsan Argagaixisada, waxaana duqeynta fuliyay labo diyaaradood oo nooca miigga ee F/A-18F Super Hornet oo ka soo kacay Markabka dagaal ee USS Harry S Truman oo taagnaa Badweynta Hindiya.
Duqeyntan ayaa ah tii u horreysay ee Mareykanka fuliyay, tan iyo markii Puntland ay howlgal ka billowday dhulka buuraleyda Cal-miskaad ee Gobolka Bari