Markabka Shidaalka ka baaraya Soomaaliya oo ka soo gudbaya Kanaalka Suez

Oct 11 (Jowhar)-Markabka shidaalka ka baari doona xeebaha Galmudug ayaa maanta ka gudbaya kanaalka Suez isagoo ku sii jeeda Soomaaliya.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Dawladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa bartiisa X ku qoray sheekada la xiriirta markabka ku wajahan badda Soomaaliya gaar ahaan tan Galmudug oo lagu wado in uu ka sameeyo baarista loo yaqaano 3D oo ka macno ah helitaanka halka ugu fiican ee laga daloolin karo ceelka shidaalka ee la qodayo.Wasiir Cabdirisaaq ayaa yiri “Markabka Oruç Reis ee baarista oo ay wehliyaan ciidamada badda ee Turkiga, ayaa hadda maraya marinka Suweys, waxaana uu dhawaan gaari doonaa aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya.Tani waxay astaan ​​u tahay bog cusub iyo sida ay nooga go’an tahay inaan horumarino kheyraadka batroolka ee Soomaaliya”.

Markabkan oo lagu magacaabo Oruç Reis ayaa waxa ilaalinaya maraakiib dagaal oo uu leeyahay Turkigu.

Shantii bishan ayaa markabkan iyo ciidamadda badda ee ilaalinaya laga soo sagootiyay magaalada Istanbuul kaddib munaasabad uu ka qaybgalay Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan.

Munaasabad kale ayaa lagu wadaa in lagu qabto Muqdisho marka uu markab kan soo gaaro, iyadoo waqtigaa wixii ka dambeeya uu bilaabi doono baarista 3D ee xirmooyin ku yaala Galmudug.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More