Masar iyo Eritrea oo ka wada hadlay xaaladda xiligan ee Soomaaliya

Mar 01(Jowhar)Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa shir dhexmaray wasiiradda arrimaha dibadda dalaka Masar iyo Eritrea, shirkaasoo ku saabsanaa xaaladda Soomaaliya.

Sida ay baahisay Al-Jazeera, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa lakulmay Dhiggiisa dalka Eritrea waxa ayna kawada hadleen sidii Soomaaliya looga caawin lahaa Dagaalka ay kula jirto Argagixisada iyo in ay Awoodeeda ku fidiso Dhammaan Gayiga Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa sidoo kale la isugu raacag in si dhow looka socdo dhaq-dhaqaaqa cusub ee Itoobiya ku leedahay Soomaaliya, taasoo aaney jecleysaneynin xukuunada Qahira iyo Asmara.

Wadahadaladan labadan wasiir ayaa kusoo beegmay maalin kadib safarkii uu ra’iisuk wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed kusoo gaaray magaalada Muqdisho oo uu kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More