Masar oo muwaadiniinteeda uga digtay iney u safraan deeganada Somaliland
Sep 22 (Jowhar) Dowladda Masar ayaa muwaadiniinteeda uga digtay iney u safraan deegaanada Somaliland, xili ay cirka sii galeyso xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska Badda ee Somaliland.
Qoraal kasoo baxay safaarada Masar ee magaalada Muqdisho ayaa loogu sheegay muwaadiniintooda ineysan u socdaalin deegaanada SOmaliland, halka kuwa halkaasi ku suganna loogu baaqay iney deg deg uga dhopfaan garoonka magaalada Hargeysa.
Arrintan ayaa kusoo beegantay maalmo yar kadib markii Somaliland ay xirtay Maktabadii Masaarida ay ku lahaayeen magaalada Hargeysa.
Tallaabadan oo muujinaysa heerka ay gaartay xiisadda ka dhalatay heshiiskii 1-dii Janaayo ee sanadkaan ay Addis Ababa ku saxiixeen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, kaasi oo Itoobiya ogolaansho u siinaya qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.
Heshiiskaas oo ay ka carootay xukuumada Muqdisho ayaa dhaliyay in safiirada lakala qaato, iyadoo uu guuldareystay laba shir oo ay Turkida isugu keeneen wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya.