Masar oo war rasmi ah kasoo saartay hubka ay ku wareejisay dowladda Soomaaliya

Sep 24 (Jowhar) Dawladda Masar ayaa markii u horeysay si rasmi ah uga hadashay hubka ay geysay Soomaaliya, kaasoo dajintiisa ay ka socoto dekeda weyn ee magaalada Muqdisho.

Masar waxay sheegtay inuu deeq ahaa hubkan uguna talogaleen la dagaalanka Argagixisada iyo sugida Madax banaanida Soomaaliya, sidaas waxaa lagu sheegay war ay soo saartay wasaaradda Arrimaha dibada ee Masar.

Xukuumadda Qaahira, waxay sheegtay in ay Soomaaliya u garabjoogto si madax banaanida iyo Midnimada loo adkeeyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More