Mas’uul ka tirsan gobolka Gedo lagu dhaawacay qarax loogu xiray gurigiisa

Mas'uul ka tirsan gobolka Gedo lagu dhaawacay qarax loogu xiray gurigiisa

Mar. 11 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Guddoomiye ku xigeenka labaad ee degmada Buurdhuubo Nuux Xasan Daa’uud uu ku dhaawacmay qarax Miino oo gurigiisa loogu xiray Jimcihii.

Wararka ayaa intaasi kusio daraya in weerarkan uu sidoo kale ku dhintay Wiil uu dhalay gudoomiye kuxigeenka, halka qof kalena uu dhaawac ka soo gaara.

Saraakiil ciidan ayaa falkan u xiray dhowr qof oo xiligaasi guriga ku sugnaa, waxaana lala xiriiriyay iney kooxda Shabaab kala shaqeeyeen in Miinada la keeno guriga, si ay shirqoolkooda ugu guuleystaan.

Qaraxyadan noocan oo kale ayaa kusoo badanaya gobolka Gedo, iyadoo bilo kahor Beledxaawo lagu dilay sarkaal ciidan kadib markii Miino loogu xiray sariirtii uu seexanayay, iyadoo askar iyo shacab kiiskaasi ay u xiran yihiin.

Muranada siyaasadeed ee la xiriira maamulka Gedo oo aan saldhiggan ayaa loo aaneenayaa falalkan, waxaana gobolkaasi wali ka taagan buuqa salka ku haya cida maamulka Gedo uu hoostagayo, maadaama Jubaland wali aan loo gacan gelin talada gobolkaasi

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More