Mas’uul ka tirsanaa gobolka Sh.hoose oo ku dhintay Ismiidaamintii Muqdisho
July. 14 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa mas’uulka lagu beegsaday weerar loo adeegsaday qarax Ismiidamain ahaa oo ka dhacay xaafada warshada caanaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo si gaar ah uga dhacay maqaaxi ku taala guryaha saraakiisha waxaa fuliyay ruux soo xirtay jaakado ay ka buuxeen walxaha qarxa, iyadoo jugta qaraxaasi laga maqlay degmooyin badan.
Cabdi Axmed Yuusuf (Afar sheegle) oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Shebeellada hoose ayaa la isku Qarxiyey, waana uu geeriyooday.
Waxaa jiro askar kale oo iyana dhaawacyo daran uu kasoo gaaray qaraxan oo ka dhacay nawaaaxiga xarunta wasaarada gaashaandhigga.