Maxaa ka jiro in hay’adda USAID iney taageero siin jirtay kooxda Al-Shabaab iyo ururo kale?
Mar 03(Jowhar)Hay’adda Gargaarka Mareykanka ee USAID ayaa lagu eedeeyay in ay taageero siin jirtay Shabaab – Soomaaliya iyo ururo kale oo ka dagaallama Afgaanistaan iyo Falastiin.
Labo Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Mareykanka; Tim Burchett iyo Marjoriya Taylor Greene ayaa sheegay in USAID ay todobaad walba u diri jirtay lacag loogu tala-galay gargaarka oo gaadhaysa 2.1 bilyan oo doollar; iyada oo taasi ay ku sheegeen in ay tahay qiyaano ay hay’addu ku sameysay dowladda Mareykanka.
Ma jiraan wax caddeyn ah oo muujinaya in Hay’adda USAID ay si toos ah taageero ugu fidisay ururrada Shabaab, Daalibaan & Al-qaacidda.
Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii hore shaqada ka joojiyay hay’adda USAID, isagoo si cad u muujiyay in uu doonayo in kharashka dibadda uu si dhow ula jaanqaado aragtidiisa “America First”.