Maxaa ka soo baxay kulanka Trump iyo Boqorka Jordan?
Feb 11(Jowhar) -Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Aqalka Cad kula kulmay Boqorka dalka Jordan Boqor Cabdalla,iyadoo Trump uu ku celiyay markale in Gaza uu Maraykanka maamuli doono dadka ku noolna la rari doono.
Hase yeeshee Boqorka Jordan ayaa sheegay in uu ka war sugayo qorshe ay dowlada Masar wado taasoo dhawaan la soo bandhigi doono kadib marka uu kulan ay isugu yimaadaan madaxda carabta dalka Sacuudi Carabiya,
Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu maamuli doono Gaza iyadoo boqorka Jordan uu ku baaqay in taxaddar la muujiyo
“Mareykanka oo gacanta ku haya dhulkaas, waxaad heli kartaa xasilooni Bariga Dhexe markii ugu horeysay” ayuu yiri Trump.
“Falastiiniyiinta, ama dadka hadda ku nool Gaza, waxay si qurux badan ugu noolaan doonaan meel kale,” ayuu sii raaciyay.
Weriye ayaa boqorka waydiiyay fikirkiisa ku aaddan in Maraykanku uu maamulo marinka Qaza, isaga oo ku jawaabay in arrintaas uu ka hordhici doonin.
“Aan sugno inta ay Masaarida imaan karaan oo ay u bandhigayaan Madaxweynaha oo aynaan ka hor marin”ayuu sii raaciyay hadalkiisa in loo baahan yahay in uu eego waxa dani ugu jirto dalkiisa Jordan.
Boqor Cabdallah ayaa sheegay in hogaamiyayaasha gobolka ay ku kulmi doonaan Sacuudiga si ay uga wada hadlaan sidii aan ula shaqeyn lahayn madaxweynaha iyo Mareykanka.
Boqor Cabdalla ayaa ku dhawaaqay qorshe dib u dejin loogu samaynayo carruurta xanuunsanaya ee Jordan, tallaabadaas oo uu soo dhaweeyay Trump.
“Mid ka mid ah waxyaabaha aan isla markaaba sameyn karno waa 2,000 oo caruur ah oo ama caruur kansar ah ama xaaladooda aad u xanuunsan si dhaqso ah ugu qaadno Jordan,” ayuu yiri Boqor Cabdallah.
“Laba kun oo caruur ah oo qaba kansar ama dhibaatooyin kale, taasi runtii waa tilmaan aad u qurux badan, taasi runtii aad bay u wanaagsan tahay waana ku mahad naqaynaa,” ayuu yiri Trump.
Isagoo ka hadlayay xaaladda xabbad joojinta ee hadda jirta, Trump wuxuu sheegay inuusan rumaysnayn in Xamaas ay buuxin doonto maalinta Sabtida ah ee ay ku soo celinayso la haystayaasha Israa’iil.
Laga soo bilaabo maalmihii ugu horeeyay ee colaadaha ugu dambeeyay ee Gaza, dawladaha Carabta, gaar ahaan Masar iyo Urdun, waxay sheegeen in Falastiiniyiinta aan laga saarin dhulka ay doonayaan inay ka sameeyaan dawlad mustaqbalka ah.
Urdun waxa ay hore hooy u ahaa in ka badan 2 milyan oo qaxoonti falastiiniyiin ah , taas oo xaaladdooda iyo tiradoodaba walaac ku abuuraysa hoggaanka dalka.
Welwelka Urdun ayaa waxaa sii xoojinaya rabshadaha ka socda xadka ay la wadaagto Daanta Galbeed, halkaas oo rajadii dowladnimo ee Falastiin ay si degdeg ah u sii wiiqmeyso iyadoo la ballaarinayo deegaamaynta Yuhuudda.
Amman waxa ay ka cabsi qabtaa in laga raro Qasa in ay markaas gogol xaar u noqoto in 3 milyan oo kale oo falastiiniyiin ah laga saaro Daanta Galbeed, sida ay saraakiishu sheegeen.
Boqor Cabdallah waxa uu ujeedkiisu yahay in uu Trump ku qanciyo qorshihiisa in aanu ahayn mid hirgala,waxana uu u ololayn doonaa siyaasiyiinta Capitol Hill oo uu Urdun xiriir dhaw la leeyahay,sida ay sheegeen saraakiil aqoon u leh ajandihiisa.
Iyada oo dad aad u badan oo ku nool Urdun oo asal ahaan ka soo jeeda Falastiin,waxaana ka mid ah dadkaasi Boqor Cabdallah xaaskiisa Boqorada Rania, oo safarka boqorka uu Maraykanka ku joogo hadda ka mid ahayn wafdigiisa.