Maxey DFS kala socotaa ciidanka Itoobiyaanka ee soo galay gobolka Hiiraan?

Jul 23 (Jowhar.com)-Dowladda Itoobiya ayaa codsi rasmi u soo gudbisay Dowladda Soomaaliya codsigaas oo khuseeyo fasax iyo ogolaansho soo gelitaanka Gobolka Hiiraan, gaar ahaan degmada Maxaas halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya gaar ahaan kuwa ATMIS kamid ah.

Ciidamada Itoobiya ee soo gaaray Maxaas ayaa galbih doona illaa 500 Askari oo dalka ka bixi doono dabayaaqada bishan, bixitaankaas oo kamid ah qorshaha dhimista ciidanka ATMIS.

Itoobiya ayaa ciidan sagootiya ciidamadeeda Soomaaliya ku sugan u soo dirtay, waxeyna u soo martay jidka saxda ah sida ka muuqata codsi rasmi ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya u soo dirtay dowladda Soomaaliya oo nuqul ka mid ah aynu helnay, balse aan ogolaansho la iinoo siin inaan shaacino.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More