Maxey ka wada hadleen Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Gelle?

Oct 21 (Jowhar)Madaxweynaha JFS Dr, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminaayo ayaa waxaa Qasriga Madaxtooyada Jabuuti ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulan gaar ah oo dhexmaray Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga walaalnimo ee labada dal iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Dr, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal shaqo ku marayo qaar ka mid ah dalalka gobolka.

Waxa uu hore usoo maray dalalka Eritrea, Uganda iyo Burundi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More