Maxkamada ciidamadda oo xukun dil ah saaka fulisay
Feb. 02 (Jowhar.com)-Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamadda qalabka sida ayaa saaka xukun dil toogasha ah ku fulisay afar askari oo ka tirsanaa ciisamadda dowladda, kuwasoo loo heysto fal dil ah oo ay hore u geysteen.
Afarta askari ee la tooggay laba kamid ah waxa ay ka tirsanaayeen ciidanka booliska, mid waxa uu ahaa Milatari, halka kan kalena iu ahaa askari NISA ka tirsan, waxeyna magacyadooda kala yihiin;
1- Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsanaa.
2- Cali Maxamuud Xuseen oo Military-ga ka tirsanaa.
3- Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar oo Boliiska ka tirsanaa.
4- Maxamed Nuur Sheikh Warre oo isna Boliiska ka tirsanaa.
Sida maxkamada ay sheegtay, dhammaan askartan waxa ay hore u dileen Saaxiibbadood Shaqa wadaaga ay ahaayeen.