Maxkamada Gobolka Banaadir oo amar ka soo saartay Shirkadda Blue Sky Energy
Aug 26 (Jowhar)-Maxkamada gobolka Banaadir qeybta Madaniga ayaa qoraal ka soo baxay maanta waxa ay ku amartay Maamulka shirkadda Blue Sky Energy inaan wax isbedel ah lagu sameyn karin shirkadda.
Garsooraha go’aankan gaaray ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in uu tixgeliyay codsiga uu maxkamada soo gaarsiiyay dacwoode ee ah ineysan cid kale ka iibin karin ,qof cusubna aysan ku soo dari karin,waxna ka bedeli karin sida ay tahay hadda shirkada Blue Sky illaa maxkamada ay ka gaareyso go’aan kama dambeys ah.
Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Maxkamada gobolka Banaadir qeybta Madaniga;