Maxkamada gobolka Banaadir oo maanta u fariisatay dhagaysiga Dacwad la xiriirta Musuqmaasuq

July. 24 (Jowhar.com)-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwad loo heysto saraakiil ka kala tirsanayd Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhaxe kuwaasoo loo heysto Musuq maasuq.

Sarakiishaan ayaa ka howlgalayay xarumaha wasaaradda maaliyada iyo Bankiga dhexe ay ku leeyhiin Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kuwaa oo lagu soo eedeeyay falal la xariira xatooyo xoollo dadweyne.

Edeysanayasha ayaa kala ahaa Abuukar Maxamed Cali maamulihii xafiiska Canshuuraha Bariga wasaaradda maaliyadda ee garoonka Aadan Cadde,Abduqaadir Cabdi Socdaal Abtidoon qasni ka Tirsan Banki Dhaxe qeybta Dakhliga ajaanibta ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde,Maxamed Aadan Cabdullaahi Maamulahii Bankiga Dhaxe laanta garoonka Aadan Cadde,kuwaa oo dhammaan xeer ilaalintu ku soo eedeysay xatooyo xoollo dadweyne.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan oo soo bandhigay Eedaha loo heysto mas’uuliyiintaan waxaana uu mid mid u weydiiyay, iyaga oo kaga jawaabayay.
Dhagaysi labaad ayuu sheegay guddoomiyaha maxkamada in la isugu soo laaban doono,hase yeeshee ma sheegin xilliga uu noqon doono dhagaysiga labaad ee dacwadan.

Dhawaan ayay sidaan oo kale Maxkamadda Gobolka Banaadir la horkeenay Afar Xubnood oo katirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, kuwaas oo loo heysto inay ku kaceen falal la xiriira musuq maasuq

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More