Maxkamada sare ee Punand oo go’aan ka gaartay muranka tirada xisbiyada Puntland
July. 31 (Jowhar.com)-Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa meelmarisay 8 Xisbi siyaasadeed oo noqonaya 5ta sanno ee soo socota xisbiyada rasmiga ah ee ka jiraya Puntland.
In Maxkamadda sare natiijadan ku dhawaaqdo, waxay ka dhigan tahay in laga gudbay in doorashooyin dadweyne laga qabto 3 degmo oo Nugaal ah, kala ahna Godobjiraan, Dangoroyo iyo Garoowe.
Madaxweynaha Puntland, ayaa habeen ka dib si weyn loo sugayaa, khudbadiisa la xariirta arrimaha doorashooyinka iyo siyaasadda, gaar ahaana waxaa la eegi doonaa sida u xaqiijiyo in 8 Jan 2024-ka ay doorashooyin ka dhacaan deegaanadaas.
TPEC ayaa shaqadeedii soo dhamaatay, waxaana la eegayaa dhismaha guddiga doorashooyinka rasmiga ah ee PEC iyo sida ay dhinacyadu heshiis uga gaaraan.