Maxkamadda ciidamadda oo saaka laba qof xukun dil toogasha ah ku fulisay
Mar. 13 (Jowhar.com)-Maxkamada Ciidamadda Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasha ah ku fulisay laba askari oo ka tirsan ciidamadda booliska oo hore dil u geystay.
Labadan askari ee la toogtay oo lagu kala magacaabo C/shakuur Axmed iyo Cabdi Jamaal ayaa hore loogu riday xukunkan dilka ah ee saaka lagu fuliyay kadib markii la soo bandhigay cadeymaha fal danbiyeedka ay geysteen.
Sida maxkamadu ay cadeysay, Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud waxa uu hore u Dilay Xasan Maxamed Shire oo ay Boliiska kawada tirsanaayeen.
Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle oo isna Boliis ahaa waxa uu Dilay Cabdi Xakiim Khaliif Maxamuud oo uu dhacayay.
Maxkamada Ciidamadda ayaa dhinaca kale digniin culus u dirtay ciidamadda oo ay uga digtay iney dil geystaan, waxaana loogu hanjabay in askarigii wax dila isna tiirka la geyn doono.