Maxkamadda Ciidamadda oo soo saartay amar lagu soo qabanayo 14 qof oo loo heysto askartii lagu dilay Ceelbaraf

Jan 02 ( Jowhar) Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ayaa qaaday talaabadii u horeysay ee lagu soo qabanayo kooxda loo heysto iney ka danbeysay dilka askar kantirsanaa ciidanka xoogga dalka oo dhamaadka bishii hore si arxan darro ah loogu dilay degmada Ceelbaraf ee gobolka Sh.dhexe.

Saraakiil ka socotay maxkamadda ciidamadda oo labo cisho kadib dilka adkartaasi gaartay goobta ayaa kulamo kala duwan kadib soo saaray amar lagu soo qabanayo dadkii ka danbeeyay falkaasi oo xiisad ka dhex dhaliyay ciidanka xoogga dalka.

14 qof oo labo kamid ah ay dumar yihiin ayey maxkamadda amartay in lasoo xiro, kuwaasoo magacyadoo laga sii daayay warbaahinta dowladda, iyagoo dusha loo saariyay dilka askarta.

Maxkamadda ayaa amartay taliyayaasha booliska iyo Nabad Sugida Hirshabelle iyo taliska qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka iney ka shaqeeyaan sidii loosoo qaban lahaa eedeysanayaashan oo sidoo kale hore usii qaatay hubka askartii ay dileen oo deegaan ahaan kasoo jeeday gobolka Hiiraan, kuwaasoo fasax uga soo tagay xeradoodii si ay qoysaskooda dib ugu laabtaan.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso xili magaalada Beledweyn uu kasocodo shir u dhexeeya beesha Xawaadle iyo Mudulood oo hoos loogu dhigayo xiisadan, waxaana shirka maanta ku biiray taliyaha NISA Sanbaloolshe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More