Maxkamadda Ciidamadda oo toogatay laba askari

Feb. 18 (Jowhar.com-Maxkamada ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasha ah ku fulisay laba askari oo bishii hore dilal ka geystay gobolada Banaadir iyo Sh.dhexe.

Qaasim Ducaalle Cabdi oo hore u Dilay Abukar Maxamed Sheikh Nuuraani (Abirimo) & Xasan Juulle Shaakir oo isna Dilay Cali Taliye Cariif ayaa laga oofiyay Xadkii Qasaasta ahaa ee ay ku xukuntay Maxkamadda Ciidamada.

Labadan laga Oofiyay xadka ayaa maalin qura oo ah 10-kii January Sanadkan Xamarweyne iyo Balcad ku kala dilay Laba Muwaadin oo nolosha halgan ugu jiray.

Midna Alaabta Yaryar ee Jukaatarada loo yaqaan ayuu Xamarweyne ku iibin jiray kan kale Bajaajle ayuu ahaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More