Maxkamadda ciidamadda oo xukuntay nin Shabaab hore uga soo goostay, dibna ugu laabtay
Mar. 05 (Jowhar.com)-Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ayaa maanta xukun xabsi 15 sano ah ku riday xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo qaabilsanaa tuurista Bambo gacmeeda.
Ninka la xukunlmay oo lagu magacaabo Ayuub Cismaan Sheekh Aadan Isxaaq oo 24 jir ah ayaa horay isugu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya isaga oo soo maray xarunta dhaqan celinta Kuwa ka haray Fikirka kooxda, balse markii uu dhamaystay habraacyadii dhaqan celinta ayaa laga fasaxay xarunta oo uu Sanad ku jiray, waxa uu Markale dib ugu laabtay Alshabaab bishii November 2022, mushaar ahaaan ayuu u qaadan jiray 30$.
Ayuub ayaa ku soo bartay Bamba tuurista tuulada Siigaale ee degmada Janaale oo ka tirsan gobolka Sh.Hoose, sida uu maxkamadda kahor sheegay.
shaqadii ugu horeysay ee Shabaab uu u qabtay waxey eheyd Bombo F1 uu ku tuuray ciidan roondo ku jiray Janaale, wax qasaara ahna ma geysan, ciidka ayaa daba galay kadibna soo qabtay