Maxkamadda gobolka Banaadir oo u yeertay Hanti-dhowraha Qaranka oo danbiyo culus loo heysto
Feb 15(Jowhar)Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa u yeertay Hantidhowraha guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale.
Sida qoraalka maxkamadda ku cad, Hantidhowraha ayaa lagu soo eedeeyay dhowr qodob sida ka muuqata warqada uu soo saaray gudoomiyaha Maxkamadda gobolka banaadir Garyaqaan Saalax Dabaan.
Eedaha loo heysto Guutaale waxaa kamid ah inuu is-hortaagay fulinta amarro maxkamadeed.
Maalinimada beri oo taariikhdu tahay 16-ka bisha ayaa la amray hanti-dhowraha qaranka inuu maxkamadda horyimaado, si danbiyada loo heysto loogu qaado.