Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun xabsi ah ku riday gabdho caan ka ahaa baraha bulshada
Aug 04 (Jowhar.com)-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun kasoo saartay dacwad loo heystay dhallinyaro caan ka ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, kuwaas oo ku eedeysanaa kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta anshax xumada.
Dacwadda oo dhameysatay heerarka kala duwan ayaa ugu dambeyntii maanta waxaa xukun ka soo saartay maxkamadda gobolka Banaadir, eedeysanayaasha oo ka koobnaa sagaal gabdhood ayaa toddoba ka mid ah lagu xukumay min lix bilood oo xabsi ah, halka labo qabdhood ay maxkamaddu dib ugu celisay xorriyadooda.
Degdeg: Maxkamadda Gobalka Banaadir oo ay waayadaan ka socdeen Maxkamadeynta dhallinyaradii Hablaha u badnaa ee Tiktok-ga ayaa soo saartay maanta xunkooda.
Gabdhaha la xukumay ayaa kala ah;
Sihaam tahliil
Nashaad nalka
Sacdiyo galmudug
Iftin model
Anjal
Farxiyo Zoona.