Maxkamadda sare ee dalka oo bilowday dhageysiga kiiska Seyd Cali Macalin

Aug 24(Jowhar)-Maxkamadda Sare ee dalka waxaa ka socoto dhageysiga Kiiska dilla ah ee loo heysto Sayid Cali Macalin Daa’uud oo bilowgio sanadkan gubay xaaskiisa Luul Sheekh Cabdi Casiis oo uur u leheyd.

Qareenada difaacayay Sayid Cali oo aan ki wancin xukunadii hore ee maxkamadaha Gobolka Banaadir iyo mida Racfaan ayaa usoo wareegay makakadda sare, taasoo maanta bilowday qaadista kiiskan oo ah mid ay unmadda Soomaaliyeed isha ku wada heyso.

Qareenada labada dhinac ayaa maxkamadda kuwada sugan oo doodohooda gudbisanaya, waxaana maxkamadda sare go’aankeeda ui nowon doonaa midka kama danbeysta ah ee Kiiskaan dhinac u rida.

Seyd Cali ayaa dilkan kadib u baxsadat dhinaca Galmudug, halkaasoo laamaha amaanka ay kasoo qabteen, lama oga mudada ay socon doonto maxkamadda saaka bilaabatay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More