Meydka Hoggaamiyihii Xamaas Hanniyah oo lagu aasay Dooxa
Aug 02 (Jowhar.com)-Meydka hoggaamiyihii hore ee ururka Xamaas ismaaciil Haniyah iyo mid ka mida ilaaladiisa oo u geeriyooday gantaal ku dhacay guri uu kaga sugnaa magaalada Tehran ee caasimadda Iiraan.ayaa lagu aasay maanta magaalada Dooxa ee dalka Qadar.
Boqorka dalka Qadar Sheekh Tamim bin Hamad al-Thani, Madaxweyne xigeenka Turkiga Cevdet Yilmaz, iyo madax kale ayaa ka qayb galay janaasadda.
Aaska meydka Hanniyah ayaa waxaa ka soo qeybgalay kumanaan ruux iyadoo ay ka mid ahaayeen xubno sarsare oo ka tirsan ururka Xamaas, waxaana ka mid ahaa Khaalid Meshaal oo lagu wado inuu qabto xilkii uu hore u hayay Hanniyah.
Salaadda Janaasada ee marxuunka ayaa lagu oogay Masjidka Imam Muxammed bin Cabdul Wahhab oo ah kan ugu weyn dalka Qadar, waxaana markii danbe lagu aasay qabuuraha ku yaalla deegaanka Lusayl ee waqooyiga magaalada Dooxa.
Iran iyo Xamaas ayaa labaduba ku eedeeyay Israa’iil inay fulisay dilka, waxayna ballan qaadeen inay ka aargudan doonaan.
Israa’iil ayaan illaa iyo hadda sheegana amaba beeni mas’uuliyadda dhimashada Ismacil Hanniyah.
Haniyeh waxa uu fadhigiisu ahaa Doha ilaa 2019kii. Xafiiska siyaasadda Xamaas ayaa u guuray caasimadda Qatar 2012, ka dib markii la xiray xafiiskiisii hore ee Dimishiq, Suuriya.