Meydka Ismacil Haniya oo maanta loo duulinayo dalka Qatar

Aug 01 (Jowhar.com)-Gelinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in dalka Iran ay ka dhacdo baroor-diiq loo sameynayo madaxii siyaasadda ee ururka Xamaas, Ismaaciil Haniyah oo la dilay Arbacadii shalay.

Hoggaamiyaha ugu sareeya Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa tujin doona salaad Janaaso ah ka hor inta aan hogaamiyihii Xamaas loo qaadin magaalada Dooxa ee dalka Qadar, halkaa oo lagu wado in lagu aaso.

Iran ayaa ku eedeysay Israa’iil inay ka dambeysay dilka. Warbaahinta Mareykanka oo soo xiganeysa saraakiil Iraniyiin ah ayaa sheegtay in hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran uu amray weerar toos ah oo ka dhan ah Israa’iil.

Mr Khamaney ayaa mar sii horeysay sheegay in dalkiisa uu waajib ka saaran yahay inuu jawaab ka bixiyo, maadaama Ismaaciil Haniyah uu ku dhintay dhulka Iran.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaan ka hadlin dilka Haniyah, balse waxa uu uga digay Israa’iiliyiinta in maalmo adag ay fooda ku soo hayaan. Wuxuu sheegay in dalku uu diyaar u yahay xaalad kasta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More