Midowga Yurub oo DFS ku wareejiyay agab ciidan
Nov 05 (Jowhar)-Munaasabadda wareejinta gaadiidka, agabka ciidamada, iyo tas-hiilaadka caafimaadka oo lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Jeneraal Dhegobadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga DFS, Ku Xigeenka Agaasimaha Midowga Yurub ee Qaaradda Afrika, Ergayga Midowga Yurub ugu qaabilsan Soomaaliya, saraakiil ka socotay xafiiska UNOPS iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaabdhigga XFS Cumar Cali Cabdi oo Midowga Yurub kala wareegay ayaa ka hadlay taageerada midowga Yurub isagoo faahfaahiyay gaadiidka uu la wareegay.
Shirjiraa’id oo ay labada mas’uul si wadajir ah u wada qabteen ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Mathieu Briens, Agaasime ku Xigeenka Midowga Yurub ee Qaaradda Afrika Mathieu Breins ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu maanta la joogo wasiiru dowlaha difaaca Soomaaliya iyo dhammaan bahda Midowga Yurub si ay ugu wareejiyaan gaadiid iyo agab militari oo muhiim u ah Soomaaliya, qalabkan oo ay u soo iibisay Midowga Yurub Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga XFS Cumar Cali Cabdi ayaa ka mahadceliyay taageerada Midowga Yurub gaar ahaan gaadiidka iyo agabka lagu wareejiyay waxaana uu sheegay inu midowga Yurub uu yahay saaxiib weyn oo ka mid ah taageerayaasha beesha caalamka.
Ugu dambeyntii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ay wehliyaan saraakiisha Midowga Yurub ayaa indha indheeyay fasalada oo ay ka socdaan koorsooyinka tababarada kala duwan ee saraakiisha CXD ay ku qaataan dugsiga Tababarka Jeneraal Dhegobadan.