Milatariga Suudaan oo duqeeyay xaafado uu dagan yahay hogaamiyaha Dacm-sariic Ximeydti.
Apr. 18 (Jowhar.com)-Diyaaradaha dagaalka ee Milatariga Suudaan ayaa duqeymo aan kala joogsi lahayn ka wada agagaarka garoonka diyaaradaha ee caasimada Khartoum.
Xaafadahan ayaa la rumeysan yahay in ay deegaan u tahay hogaamiyaha ”Dacm-sariic” Maxamed Xamdaan Ximeydti.
Baaqyada beesha caalamka ayaa soo jeediyay in labada dhinac ay xabadda joojiyaan isla markaana loo gurmado kuwa u baahan taageerada ee ku go’doonsan caasimada iyo gobalada.
Si kastaba,tirada rayidka ku dhintay colaadaha Suudaan ayaa gaaray 144 qof sida ay shaaciyeen ururka dhakhaatiirta wadankaas.
Isbitaalo ku yaala caasimada ayaa waxyeelo kasoo gaartay dagaalada iyada oo qaybtoodna ay daawadu ka go’an tahay.