Milkilihi Hiiraan.com Axmed Guure oo ku geeriyooday Ottawa

Jul 29 (Jowhar.com)-Marxuum Axmed Xaaji Cilmi Guure (Guure)ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Ottawa ee dalka Canada. ka dib markii uu muddo dheer xanuunsanaa.Marxuumka ayaa ka tagay taariikh aad u saraysa oo dhinaca duulista iyo saxaafadda ahba.

Taariikh nololeedkiisa.

Axmed Xaaji Cilmi Guure waxa uu ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, sanadkii 1956. Noloshiisii hore waxaa uu kusoo qaatay magaalada Beledweyne.

Marxuumku waxa uu waxbarashadiisa badi kusoo qaatay magaalada Muqdisho. Intii uu ku jiray waxbarashadiisa, Axmed Xaaji Cilmi Guure waxaa lagu soo tababaray duuliye diyaaradeed xarunta caanka ah ee Lufthansa Aviation Training Centre oo ku taal magaalada Bremen ee dalka Jarmalka.

Markii uu dalka dib ugu laabtay wuxuu ka howlgalay shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airlines.

Geesinimadiisa iyo degenaanshihiisa waxaa la tijaabiyay 1991-kii markii diyaarad uu ka raacay Muqdisho kuna socotay Jabuuti lagu afduubtay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya, taasoo uu si nabad galyada ah uga soo dajiyay diyaaradaas garoonka diyaaradaha ee Luuq, iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray rakaabkii saarnaa. Waxayna daliil u ahayd xirfadiisa iyo deganaanshiyihiisa.

1999kii, ayuu Axmed arkay fursad in uu qaaradaha iskugu xiri karo, iskuna soo dhawaynayo qurba-joogta Soomaaliyeed. Waxaana uu aas aasay shakabada weyn ee Hiiraan Online, taasoo uu dhidibada ugu taagay Ottowa, July 1, 1999.

Dhaman shaqalaha Jowhar.com waxeey tacsi udirayan qooski iyo elheladii oow ka geriyooday Marxuum Axmed Xaaji Cilmi Guure samir iyo iman dhantiin (1956-2024)

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More