Mooshin culus oo dhanka ah ra’iisul wasaare Xamze oo ka socda Nairobi

Jan 27 (Jowhar)-Guux mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre ayaa ka billowday magaalada Nairobi, iyadoo kulamo saacadihii la soo dhaafay ay yeesheen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay ka arrinsadeen qorshayaashooda la xiriira mooshinka ay wadaan in lagu furo kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka oo furmaya bisha Febraayo.

Ilo ku dhow dhow kulanka Xildhibaannada ayaa sheegaya inuu socdo qabyo qoraalka mooshinka, si marka uu furmayo Kalfadhiga 6aad ay ugu gudbiyaan Guddoonka Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xamze oo xafiiska jooga sannadkiisii saddexaad ayaa haddii uu ka badbaado mooshinka lagu soo beegayo Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka waxa uu haystaa fursad uu ku noqdo Raysalwasaarihii ugu cimriga dheeraa.

Sida hore loogu arki jiray  taariikhda Baarlamanka, Kalfadhiga 6aad wixii ka dambeeya waxaa yaraada awoodda iyo abaabulka Baarlamaanka sababo la xiriira in la galayo dhammaadka muddoxileedkiisa oo lagu mashquulayo u-diyaar-garowga doorashooyinka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More