Mucaaradka oo qabsaday inta badan gobolka koonfurta Suuriya ee muhiimka ah
Dec 07 ( Jowhar) Xoogaga jabhadda ee koonfurta Suuriya ayaa lagu soo waramayaa in ay qabsadeen inta badan gobolka Deraa – oo ah halkii uu ka dhashay kacdoonkii looga soo horjeeday madaxweyne Bashaar Al-asad 2011-kii.
Falanqeeye dhanka dagaalka oo fadhigiisu yahay UK ayaa ku waramaya in “kooxaha maxalliga ah” ay u suurtagashay in ay la wareegaan goobo badan oo millatari ka dib “dagaalo rabshado wata” oo ay la galeen ciidamada dowladda.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, ilo-wareedyo dhanka jabhadda ah ayaa sheegay in ay gaareen heshiis ah in ciidamadu ay ka baxaan iyo in saraakiisha millatariga la siiyo marin ammaan ah caasimadda Dimishiq – oo qiyaastii 100 kiilo mitir u jirta.
BBC-da ayaanan si madax banaan u awoodin in ay xaqiijiso wararkan, iyadoo jabhadda ay horkacayaan Islaamiyiinta ee waqooyiga Suuriya ay sheegeen in ay gaareen duleedka magaalada Xumus.