Mucaaradka Puntland oo ka hor-yimid xiliga ay dhaceyso doorashada golayaasha deegaanka

Mar. 13 (Jowhar.com)-Guddoomiyihii hore ee guddiga kumeelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa sheegay in aanay suuragal ahayn waqtiga uu madaxweynaha maamulkaasi Siciid Cabdullahi Deni u asteeyay inay ku dhacdo doorashada golayaasha deegaanka ee qof iyo codka ah.

Guuleed Saalax Barre, oo haatan kamid ah mucaaradka madaxweyne Deni ayaa intaasi ku daray in wax badan ay ka dhiman yihiin hawlaha diiwaangelinta iyo diyaarinta doorashada.

Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii wareegto madaxweyne Saciid Deni uu shalay soo saaray ku sheegay in 25-ka May ay dhici doonto doorashada golayaasha deegaannada Puntland, taas oo ay hore u qaadaceen qaar kamid ah ururrada mucaaradka.

Si kastaba, Deni, ayaa haddii uu doorashadan ku guulaysto noqondoona madaxweynihii ugu horreeyay ee doorasho qof iyo cod ah ka taaba galiya Punland.

Inkastoo doorashada ugu muhiimsan ay tahay midda madaxtooyada iyo tan barlamaanka, kuwaas oo hadda u muuqda kuwa ku dhicidoona habkii beeluhu awoodda badan ku lahaayeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More