Mucaaradka Syria oo sheegay iney Bishar Al Asad ka xoreeyeen guud ahaan dalkaasi
Dec 08 ( Jowhar) Mucaaridka Hubaysan ee Syria ayaa saaka oo Axad ah sheegey, in ay Syria ka xoreeyeen Bashar Al Asad oo dalkaasi soo xakumayay nus-qarni; kaddib marki ay gudaha u galeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.
Bashaar Asad waxa uu ka cararay waddanka, welina ma cadda halka ay u duushay diyaarad xalay ka qaaday caasimadda.
War kasoo baxay kooxda xakunka ka tuurtay Bashar Asad ee Jabhadda Xoreynta Shaam, waxay ku sheegeen. “Macangagi Bashar Al Asad waa ka xoreynay waddanka”.
Waxay kaloo sheegeen in ay sii daayeen maxaabiisti ku xidhneyd xabsiyada ugu waaweyn Syria ee caanka ku ahaa jirdilka dadka mucaaradka iyo dilka aanan sharciga aheyn ee loo geysan jiray dadka qaar sida ay sheegeen kooxdan.
Dadka ayaa billaabay in ay ku dabaaldagaan Fagaaraha Ummayad ee badhtamaha Dimishiq, halkaas oo ay ku yaallaan wasaarada dhowr ah sida, wasaaradda difaaca iyo xarumaha taliska ciidamada.
Raysal wasaaraha Suuriya, Maxamed Gazi Jalali ayaa bayaan uu saakay soo saaray ku sheegay, in xukumadda ay diyaar u tahay in ay si nabad ah xafiisyada dowladada ugu wareejiso mucaaridka, isla markaana uu diyaar u yahay in uu arrintaasi ku caawiyo.
Tani ayaa ka dhigan in uu maanta halkaasi ku soo dhamaaday 54 sano oo ay Syria soo xakumayeen qoyska reer Asad.