Mushaarka dagaal yahanada Shabaab oo meeshii ugu hooseysay gaaray
Jan. 30 (Jowhar.com)-Xili dowladda Soomaaliya ay qaaday talaabooyin dhowr ah oo lagu xanibayo lacagihii ganacsatada siin jirtay Shabaab iyo kuwa Akoonadooda ugu jira ayaa arrintaasi saameyn muuqata waxey ku yeelatay mushaaraadka la siin jiray dagaal yahanada kooxdaasi.
Sida ay ku waramayaan ilo dhinaca sirdoonka ah, Shabaab ayaa hore mushaar ahaan u siin jirtay dableyda u dagaalanta lacag u dhexeysa $50 ilaa $100, balse haatan dagaal yahankiiba wuxuu mushaar ahaan u qaadanayaa lacag $10 ah, waxaana suura gal ah in intaasba la waayo, maadaama culeyska saaraan kooxdaasi uu sii laba jibaarmayo.
Arrintan ayaa dhacday afartii bilood ee la soo dhaafay oo ay dowladda kooxdaasi ku qaaday dagaal saddex waji leh, kuwaasoo kala ah mid milatari, mid fikir iyo kan ugu daran ee ah dhaqaalaha oo kooxda dhexdeeda jah wareer culus ka dhex abuurtay.
Khuburada falanqeysa arrimaha amaanka ayaa saadaalinaya iney tani keeni karto iney kala fur furto kooxda oo maleeshiyaadkooda ay isu soo dhiibaan dowladda, maadaama dhulkii ugu badnaa ee kooxda oo ka tirsan Hirshabelle iyo Galmudug laga saaray.
Ra’iisul wasaaraha dalka Xamze Cabdi Barre ayaa dhawaan sheegay iney xanibeen ilaa 250 akoon oo Bangiyada kooxda ku leheyd iyo 70 Number oo kooxda lacago ugu jirtay, waxaana arrimahaasi qeyl dhaan culus ka diray afhayeenka Shabaab Cali Dheere.