Musharax Madaxweyne Liibaan Axmed oo si weyn loogu soo dhaweeyay CeelDheer
Aug 21 (Jowhar)-Musharax Madaxweynaha Galmudug Libaan Axmed Xasan ayaa gaaray degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Musharax Liibaan Axmed Xasan ayaa waxaa ku soo dhaweeyay degmada CeelDheer maamulka degmada,waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Ceel Dheer.
Musharax Madaxweyne Liibaan ayaa safar dhulka ku marayay deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud oo ka mid ahaa deegaanadii laga xorreeyay Argagixisada, waxaana uu kulamo la qaadaanayay qeybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha ciidanka, isagoo ku dhiiragelinayay adkeynta amniga iyo difaaca deegaanada la xorreeyay oo dib ugu soo laabatay noloshii iyo is dhex galkii bulshada.
Musharax Madaxweyne Liibaan Axmed ayaa door weyn ku lahaa la dagaalanka Alshabaab ee deegaano badan oo ka tirsan Galmudug,waxana uu booqasho ku tegey magaalada Gaalkacyo,Xaradheere iyo deegaano kale.