Mustaf Dhuxulow oo hirgalinaya xafiis loogu adeegayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba
Feb 03(Jowhar)Agaasimaha guud ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya Mustaf Dhuxulow ayaa maanta kulan la qaatay dadka baahiyaha gaarka ah qaba, isagoo ka dhageystay baahiyohooda iyo sida loo fududeyn karo adeegyadooda.
Mr. Dhuxulow ayaa u balan qaaday inuu xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo helitaanka adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda.
“Waxaan maanta kulan gaar ah la qaatay dadka baahiyaha gaarka ah qaba si aan u dhageysto baahiyahooda una xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo helitaanka adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda” ayuu yiri.
Waxa uu shaaciyay inuu hirgalin doono xafiis u gaar ah dadka baahiyaha gaarka ah qabo, si deg deg loogu xaliyo baahiyohooda iyo cabashooyinka ay qabi karaan.
“Waxaan hirgelin donnaa xafiis gaar ah oo loogu adeegayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba, si ay si sahlan u helaan adeegyada ay bixiso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Si kastaba, Qaar kamid ah hormudka dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa amaanay talaabada uu qaaday Agaasime Mustaf Dhuxuloow, waxeyna balanqaadeen iney la shaqeyn doonaan.