Mustaf Dhuxulow oo la kulmay Safiirka Maraykanka

Jan 08 (Jowhar)-Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustaf Dhuxulow oo ay wehliyaan agaasime waaxeedyada hay’adda ayaa kulan la qaatay Safiirka dowlada Mareykanka ee Soomaaliya mudane Richard H. Riley.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dowladood ee ku saabsan dhanka socdaalka iyo ka hortagga Socdaalka sharci darrada ah, Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa uga mahadceliyey taageerada dowlada Mareykanka ay ka geysato horumarinta kaabayaasha Hay’adda, Waxaana uu sidoo kale uu codsaday in sare loo sii qaado iskaashi dhexmara hay’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee labada dal.

Dhanka kale, Safiirka dowladda Maraykanka ayaa tilmaamay in dowladiisa ay ka go’an tahay sii wadida taageerada ay la garab taagantahay horumarinta HSJ, isla markaana la sii xoojinayo iskaashiga dhexmara labada dal ee dhinacyada isdhaafsiga khibradaha, Arrimaha Socdaalka iyo taageerida Aqoon kororsiga Socdaalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More