Muuse Biixi “Soomaaliya saldhigan mayso ilaa Somaliland ay kala baxaan”
Jun. 18 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa amni ka hirgala magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo shuruud uga dhigay iney aqoonsi caalami ah helaan maamulkooda Somaliland oo hore ugu dhawaaqay inuu Soomaaliya inteeda kale ka go’ay wallow aaney jirin dal ictiraaf siiyay ilaa iyo haatan.
Mr. Biixi ayaa hadal uu maanta jeediyay oo fasiraado kala duwan laga bixiyay waxa uu si cad u sheegay in madaxda koofurta ay ka meermeerayaan iney ictiraaf siiyaan, si ay deganaansho iyo amni buuxa u helaan.
“Soomaaliya saldhiga mayso, ilaa Somaliland ay kala baxaan, Xamar saldhigi mayso, Kismaayo saldhigi mayso, waayo waa geedi gurac loo raray, ilaa la kala baxo, taasna qolada Koonfurtu waa ka war-wareegayaan” Madaxweynaha Somaliland ayaa sidaas sheegay maanta.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili siyaasiyiin iyo dad kale ay hore u sheegayeen inuu jiro xiriir toos ah oo ka dhaxeeya koxoda Shabaab iyo maamulka Somaliland, iyagoo doodaasi sabab uga dhigayay in Shabaabku dhibaatooyin ka geystaan kaliya gobolada koofureed ee dalka.