Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay magaalada London
Mar 23(Jowhar)-Xaafada Tottanham ee Waqooyga Magaalada London ayaa waxa Madaxa xabad looga dhuftay Wiil Soomali ah oo lagu magacaabo Mahad Abdi Mohammed oo 27 sano jir ah abaaro 8:45 Fiidnimo oo ku beegneed Khamiistii 20-March.
Waxaa kale oo isna la dhaawacay Wiil kale oo Soomali ah oo 25 sano jir ah oo ay isla socdeen Marxuumka la toogtay, wiilka dhaawaca ah ayaa xaaladiisu tahay mid soo hagaagayso.
Wali lama soo qaban eedeesanaha looga shakisan yahay in uu toogtay marxuumka.