Muxammad Yunis oo hogaamin doona dowlad ku meelgaar ah dalka Bangaladesh
Aug 06 (Jowhar.com)-Muxammad Yunus ayaa madax ka noqon doona dowlad ku meel gaar ah ee dalka Bangaladesh kadib markii ay xilka ka degtay ra’iisal wasaarihii hore ee Sheikh Hasina kana carartay dalka iyadoo ay ka socdaan kacdoono ballaaran oo looga soo horjeedo xukunkeeda oo ay hormuud ka ahaayen arday.
Joynal Abedin, oo ah xoghayaha warfaafinta ee madaxweynaha dalka Bangaladesh Mohammed Shahabuddin ayaa ku dhawaaqay go’aankan.
Abedin waxa kale oo uu sheegay in xubnaha kale ee dawladda uu hoggaamiyo Yunus la magacaabi doono dhawaan ka dib marka ay la hadlaan xisbiyada siyaasadda iyo qaybaha kale ee ay khusayso.
Madaxda mudaaharaadyada ardayda, madaxda saddexda qeybood ee ciidamada dalka, xubno ka socday bulshada rayidka ah iyo qaar ka mid ah ganacsatada ayaa madaxweynaha kulan la qaatay madaxweynaha, si go’aan looga gaaro. maamulka ku meel gaarka ah.
Dhawaan ayaa la filayaa in Yunus oo 83 jir ah uu dalka dib ugu soo laabto isaga oo haatan ku sugan magaalada Paris sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.
Go’aanka ka dib, hoggaamiyeyaasha ardaydu waxay ka baxeen guriga rasmiga ah ee madaxweynaha wax yar ka dib saqdii dhexe, iyagoo ku qanacsan oo soo dhaweeyay go’aanka.
Nahid Islam, oo ah hogaamiyaha kooxda ardayda, ayaa wadahadalada ku tilmaamay mid miro dhal ah waxa uuna sheegay in Shahabuddin uu ogolaaday in dowlada ku meel gaadrka ah lagu soo dhisi doono wakhtiga ugu yar ee suurtogalka ah.
Madaxweynaha Bangaladesh Shahabuddin ayaa sidoo kale shaqada ka ceyriyay taliyihii booliska qaranka kadib mudaaharaadyo dad badan ay ku dhinteen kuwaasoo dhaliyay bixitaanki Hasina.
Ninka loo magacaabay inuu madax ka noqdo maamul ku meel gaar ah oo uu yeesho dalka Bangaladesh Yunus ayaa ah Dhaqaale yahan la guddoonsiiyey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel sannadkii 2006 isaga oo hormuud u ahaa isticmaalka Maalgelin Amaah ah si uu u caawiyo dadka saboolka ah, gaar ahaan haweenka.