Muxuu salka ku hayaa khilaafka cusub ee ka dhex qarxay Masar iyo Soomaaliya?

Apr 29(Jowhar) Waxaa soo ifbaxaya xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa Soomaaliya iyo Masar, kaddib markii hakad ku yimid heshiiskii iskaashiga milatari ee labada dal kala saxiixdeen Agoosto 2024. Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa u sheegay wargeyska Al-Carabi Al-Jadiid in sababta ugu weyn ee xiisaddan tahay isu soo dhawaanshaha degdegga ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo Qaahira u aragto mid khatar ku ah danaha istiraatiijiga ah ee gobolka.

Masar ayaa la sheegay inay hakisay qorshe ballaaran oo ay ku taageeri lahayd Soomaaliya, oo ay ku jirto dirista in ka badan 1,000 askari si ay uga qeybqaataan la-dagaallanka Shabaab. Tallaabadan ayaa lagu sababeeyay kalsooni-darro Masar ka qabto jihada cusub ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Villa Soomaaliya.

Qaahira waxay si gaar ah uga niyad jabsan tahay mowqifka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ay u arkayeen shuraako dhow, balse hadda la aaminsan yahay inuu “si lama filaan ah ugu leexday” dhinaca Itoobiya. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Masar aysan hadda u arkin hoggaanka Soomaaliya mid lagu aamini karo qorshaheeda istaraatiijiyadda gobolka.

Dhanka kale, imaanshaha ciidamo Turkish ah oo dhowaan yimid Muqdisho iyo walaaca Eritrea ka muujisay xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sii kululeeyay xaaladda gobolka, taasoo halis gelinaysa dadaallo badan oo Masar horey u gelisay taageerada Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More