Muxuu Sharciga ka qabaa in qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho laga reebo doorashada?

Jan 07 ( Jowhar) In badan ayaa su’aashaas la isoo weyddiiyay, waxaan jeclaystay inaan iftiimiyo aragtida sharci ee arrintaas la xiriirta.

Dadku waxay maqleen in doorashada laga qaban doono oo keliya, degmooyinkii jiray 31 Diseembar 1990, Sidaas darteedna, degmooyinka Gobolka Banaadir ee xilligaas ka dambeeyay aysan ka qeybgaleyn doorashada la filayo in la qabto.

Labo xeer ayaa tilmaamay in degmooyinka dalku ay yihiin kuwii jiray ka hor 31 Diseembar 1990, Xeerka koowaad waa Xeer Lr. 116 ee soo baxay 06/08/2013 (Sharciga Maamullada Degmooyinka iyo Gobollada Dalka), kan labaadna waa Sharci Lr. 25 ee soo baxay 23 Nofeembar 2024 (Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee JFS).

Sharciga hore ee 2013, wuxuu qodobka 5aad ku qeexay, inay degmooyinku ay yihiin kuwii jiray ka hor 31 Diseembar 1990, laakiin WUXUU FAQRADDA AFARAAD ee qodobkaas ku qeexay, in Caasimaddu tahay Muqidsho ayna yeelanayso sharci u gaar ah. Waxaa halkaas ka cad oo dhammaan sharciyaqaannadu ay ogyihiin, in sharcigaasi uusan khuseyn Muqdisho.

Sharciga Labaad oo ah midka hadda buuqa dhaliyay, wuxuu arrintan uga hadlay qodobbada 19aad,22 aad,23 aad.

Qodobka 19aad, wuxuu faqraddiisa 4aad ku qeexay, in doorashadu ay ka qabsoomayso demooyinkii jiray, ka hor 31 Diseebar 1990.

Qodobka 23 aad oo ka hadlaya Degmooyinka Dawlad-goboleedyada/SSC-Khaatumo iyo Darajooyinkooda, wuxuu ka kooban yahay laba faqradood, labada faqraba wuxuu ku tilmaamayaa in degmooyinku yihiin kuwii ka horeeyay 31 Diseembar 1990.

Qodobka 22 aad oo ka hadlaya Muqdisho iyo Degmooyinka Gobolka Banaadir, marna ma tilmaamin in degmooyinku yihiin kuwii ka horeeyay 31 Diseembar 1990, balse taas baddelkeeda wuxuu faqradda labaad ku tilmaamayaa in Degmo kasta ay yeelanayso Gole Deegaan oo ay si toos ah u soo dooranayaan codbixiyeyaasha ka diiwaangashan degmada.

GUNAANAD:

Arrimaha la xiriira in qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir aysan doorashada ka qeybgalaynin, waxaa qabi kara dad aan fahansanayn sharciga ama dano gaar ah ku qaba in degmooyinkaas laga reebo doorashada.

Mahadsanidin.

AVV Abdikadir Mohamed Sheilila

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More