Nabadoon caan ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Baydhabo

Oct 13 (Jowhar)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Nabadoonka la dilay oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Yacquub Xasan Xaaji ayaa ka mid ahaa nabadoonada sida weyn looga dhex yaqiinay Baydhabo.

Saddex dhalinyara ah oo Bistoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in marxuunka rasaas qeybaha sare ee jirka ugala dhaceen xili uu ku sugnaa xaafadda Bardaale.

Danbiilayaasha ayaa durba goobta isaga baxsaday, waxaana daqiiqado kadib halkaasi gaaray laamaha amaanka oo sameeyay howlgalo, walow aysan gacanta kusoo dhigin ragii falkaasi geystay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More