Nin u dhashay Canada oo lagu xirey Hindiya isagoo watay Madax Yaxaas
Jan 10 (Jowhar)-Mas’uuliyiinta dalka Hindiya ayaa sheegay in ay garoonka diyaaradaha ee Delhi ku xireen nin Canadian ah oo boorsadiisa ku sitay dhafoor ama madax yaxaas.
Ninkan oo 32 sano jir ah ayaa ku sugnaa garoonka Isniintii si uu u raaco diyaarad uu ku sii jeeday Canada waxaana lagu ogaaday inuu sito dhafoorka yaxaaska xilli la baarayay rakaabka.
“Markii la baaray, dhafoor leh ilko fiiqan, oo u eg daanka yaxaaska yar, oo culeyskiisu yahay 777g (1.71lb), ayaa la helay isagoo ku duudduubay maro,” shaqaalaha garoonka diyaaradaha magaalada Delhi ayaa sidaas ku sheegay bayaan Khamiista.
Dhafoorkii yaxaaska ee uu watay ninkan ayaa loo dhiibay Waaxda Kaymaha iyo Duurjoogta, sida ay sheegeen mas’uuliyiin u hadashay dowlada Hindiya.
Saraakiisha ayaa sheegay in haysashada dhafoorka yaxaaska ay jabisay sharciga ilaalinta duurjoogta Hindiya iyo sharciga kastamka.
“Muuqaalka, qaabka iliga, calaacalaha lafaha oo si wanaagsan u kobcay, iyo dulalka sanku waxay xaqiijiyeen shayga inuu yahay madaxa yaxaaska,” ayay yiraahdeen.
Sarkaal ka tirsan kaynta ayaa u sheegay wargeyska Times of India in ninkan la sheegay inuu madaxa kasoo iibsaday dalka Thailand.
“Ninku ma uusan haysan ogolaanshaha qasabka ah ee looga baahan yahay inuu qaado alaabta duurjoogta,” ayuu yiri sarkaalka kaynta Rajesh Tandon.
Ninkan ayaa sidoo kale saraakiisha u sheegay in uusan ugaarsan ama uusan dilin yaxaaska, sida ay ku warantay Hindustan Times.
Tijaabooyin dheeri ah ayaa la sameynayaa si loo ogaado nooca saxda ah ee xayawaanka.
Dhanka kale kastamka Delhi ayaa sheegay in la diiwaan galiyay kiis ka dhan ah ninkan, waxaana socda baaritaan.
Sannadkii hore, haweeney 32 jir ah oo u dhalatay dalka Kanada ayaa lagu joojiyay garoonka diyaaradaha ee Delhi ka dib markii lagu helay in boorsadeeda ay ku jirto geeso xayawaan aan la aqoonsan. Haweeneyda ayaa u sheegtay saraakiisha in ay soo qaaday xilli ay socod ku marayeen waqooyiga gobolka Ladakh ayna go’aansatay in ay u haysato xusuus ahaan.
Hase yeeshee lama sheegin ujeedka uu ninka lagu qabtay madaxa yaxaaska uu ka lahaa, mana jirto faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxay booliska Hindiya.