Ninkii isku dayay inuu dilo Trump oo saacad kahor toogashada sawir laga qaaday
Jul 29 (Jowhar.com)-Sarkaal ka tirsan Hay’ada Dambi Baarista dalka Maraykanka FBI ayaa sheegay in Booliisku ay ogaadeen ninkii isku dayay inuu dilo Madaxweynihii hore ee dalka Marayknka Donald Trump kahor muddo saacad ah waqtigii uu toogashada fuliyay lagana qaaday sawir kaasoo lala wadaagay saraakiil kale oo ku sugnaa goobta uu falku ka dhacay,
Kevin Rojek, oo ah wakiilka gaarka ah ee xafiiska FBI-da ee Pittsburgh, ayaa u sheegay warfidiyeenka xilli uu warbixin kooban ka bixinayay baaritaanka ay hay’addu ku hayso isku-dayga dilka ah, in qofka toogashada geystay ay hay’adaha ammaanka u aqoonsadeen inuu ahaa qof laga shakiyay.
“Sarkaal ka mid ah ciidamada maxalliga ayaa sawir ka qaaday nin hubeysan oo lagu magacaabo Thomas Crooks una diray saraakiisha kale ee sharci fulinta ee ku sugnaa goobtii uu Trump ku lahaa isu soo baxaa Pennsylvania maalintaas. 30 daqiiqo ka dib, hawl wadeenada kooxda SWAT waxay arkeen Crooks oo isticmaalaya qalab uu ku baarayo warar.”ayuu yiri Kevin Rojek.
Crooks ayaa la arkayay isagoo boorso dhabarka ku sita abbaare 5.56pm, wax ka yar 20 daqiiqo ka hor inta aysan toogashadu dhicin, 6.08pm galabnimo.
Trump ayaa sheegay in uusan helin wax digniin ah oo ku saabsan ‘dhibaato’ kahor isku dayga dil.
Saraakiisha FBI-da ayaa sheegay in aysan weli cadeyn sababta uu Crooks, oo ahaa 20-sano jir hubeysan u doonayay inuu dilo Trump.
Laakiin waxay sheegeen in uu sameeyay baaritaanno dhanka internetka ah oo ku saabsan dhacdooyin toogasho wadareed iyo isku daygii dil ee ra’iisul wasaaraha Slovakia bishii May.
Rojek wuxuu xaqiijiyay in Trump ay ku dhacday xabbad, ha ahaato mid weyn ama rasaas u kala jajabtay qaybo yaryar.
Saraakiisha FBI-da ayaa ku tilmaamay Crooks inuu ahaa qof aan lahayn saaxiibo dhow ama cid ay yaqaaniin, iyadoo barihiisa bulsheed ay ku kooban tahay xubnaha qoyska.