NISA oo gacanta ku dhigtay Shabakad Shabaab ah iyo hubkooda oo weeraro ka fulin rabay Muqdisho

Screenshot

Oct 01 (Jowhar)Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabkad ka kooban Shan xubnood kuwaasi oo ku howlanaa falal amni daro inay ka gaystaan magaalada Muqdisho.

Sirdoonka Qaranka oo haayay xogta Shabakadaan ayaa ku guulaystay inuu mid mid u soo qabto, waxaana sidoo kale shabakadaan lagu qabtay Hub iyo Qaraxyo AS ay u qorsheeyeen inay ku dhibaateeyaan Shacabka Muqdisho.

Sida NISA ay sheegtay, xubnahan ayaa la horgeyn doonaa hay’adaha garsoorka ee dalka si loogi qaado ciqaabta danbiyada ay geysteen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More