NISA oo gacanta ku dhigtay xubno Shabaab u qaabilsanaa Isbitaalada iyo Daryeelka Bukaanada

Screenshot

Nov 16  (Jowhar)-Ciidanka haya’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa gacanku soo dhigay laba dhagar qabe oo u qaabilsanaa dhanka Isbitaalada iyo daryeelka bukaanada Khawaarijta.

Dhagarqabaha koowaad ayaa lagu magacaabaa Kooshin Maxamuud Axmed waxa uuna khawaarijta u qaabilsan yahay isbitaalada iyo bukaanadooda la keeno magaalada Muqdisho,halka dhagarqabaha labaad oo lagu magacaabo Keyse Faarax Xasan(Axmed yare) uu yahay dhakhtarka khawaarijta u qaabilsan daaweynta bukaanadooda jooga degmada jilib,waxaana Adeer u ah horjoogaha khawaarijta u qaabilsan arrimaha Siyaasadda Xuseen Fiidow.

Haya’adda NISA waxa ka go’an ciribtirka cadowga khawaarijta ah ee beegsanaya dadka Shacabka soomaaliyeed iyo cid walba oo kaalin ku leh la shaqayntooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More