NISA oo ku raad joogto horjoogaha Shabaab u qaabilsan baadda Shacabka Gobolka Banaadir

Feb 19(Jowhar)Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee NISA ayaa ku raad-joogta Horjooge C/llaahi Wadaad oo Argagixisada AS u qaabilsan waxa ay ugu yeeraan zakawaatka Gobolka Banaadir, horayna xilal kala duwan soo qabtay, caanna ka ah Gobolada Banaadir iyo Shabeellaha Dhexe.

NISA oo si dhow ula socoto xiriiradiisa iyo dhaq dhaqaaqiisa ayaa ka digtay in lala macaamilo, iyo ka ag-dhawaanshihiisa, maadaama dowladda Federaalka ay saartay xanibbaad dhan kasta ah.

Cabdullahi Wadaad oo ah ninkaan Wantedka ah ee dowladdu ku raad-joogto ayaa aad u dhibay shacabka Muqdisho, gaar ahaan ganacsatada, waxaana la sheegay in gobolka Shabeellaha Hoose uu ku dhuumaaleysto

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More